Ciidamo Gaar ah oo La Wareegay Madaxtooyadda Galmudug+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug, waxay sheegayaan in ciidamo gaar ah  oo ka tirsan dowlada Soomaliya  iyo kuwa maamulkaas ay maanta la wareegeen amaanka magaladaasi.

Ciidamada maanta  magaalada  cadaaado la wareegay ayaa la sheegay in  ujeedkooda uu yahay ilaalinta amniga Caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee maamulka Gamudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo halkaasi ka dhici doona 24- bishan aynu ku guda jirno

korneel Cali Maxamed ahmed taliyaha saldhiga magaalada Cadaado oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay ciidama maanta la shegay in ay la wareegeen amaanka magalaadaasi.

Dhanka kale Waxaa socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee maamulka Galmudug Soomaaliya, waxaana kusoo qul qulayq magaalada Cadaado  Wafuud caalami ah si ay uga qeyb galaan Caleemo saarka halkaas ka dhici doona 24-ta may ee  bishan aynu ku guda jirno.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here