Madaxweynaha dalka mareykanka oo lagu yaqiinay in uu yahay xagjir ka soo hor jeeda dalalka islaamka kaa oo dalkiisa mareykanka ka mamnuucay 7 dal oo islaam ah in ay u safraan ayaa kulanka ka soconaya magaalada Riyad ee dalka Saudi Arabia a waxaa uu madaxweynaha dalkaasi Donlad Trump uu ka codsaday hogaamiyaasha dowladaha maslimiinta in ay u midoobaan ladagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.
Kulanka oo hogaamiyayaasha 50 wadan oo muslimiin ah ay ka soo qeyb galeen oo dowlada soomaaliya ay kamid tahay ayaa diiradda lagu saarayaa ladagaalanka iyo sidii meesha looga saari lahaa kooxaha reer galbeedka ay u yaqaan argagixsada iyo kor u qaadista xeriirka ka dhaxeeya dalka mareykanka iyo wadamada islaamka.
Kulanka oo dowlada soomaaliya ugu qeyb galayo madaxweyahana soomaaliya Mohamed abdullahi farmaajo ayaa dhankisa waxa uu halkaasi ka jeedin doonaa qudbad ku saabsan arimaha amaanka iyo caqabadaha dalka soomaaliya ka hor istaagsan in uu horay u socdo iyo xeriirka soomaaliya ay la leedahay dalka kulankaasi ka midka ah.
Inta lagu guda jiro shirka u dhaxeeeya dalalka islaamka iyo mareykanka ayaa madaxweyanha soomaaliya sida la qorsheeyay waxa uu kulan la qaadan doonaa madaxweynaha mareykanka Donald trump iyagoo arimo kala duwan kawada hadli doono oo ay kamid yihiin taageerada mareykanka uu siinayo ciidamada qaranka soomaaliyeed iyo dadaalada looga adkaanayo Xarakada Al shabaab.
Dowlada mareyknaka ayaa ciidamo qaas ah u soo dirtay dalka soomaaliya kuwaa oo garab siinaya howlagalka midowga Africa ee AMISOM iyo ciidanka dowlada federalka soomaliya.

