Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug, waxay sheegayaan in ciidamo gaar ah oo ka tirsan dowlada Soomaliya iyo kuwa maamulkaas ay maanta la wareegeen amaanka magaladaasi.
Ciidamada maanta magaalada cadaaado la wareegay ayaa la sheegay in ujeedkooda uu yahay ilaalinta amniga Caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee maamulka Gamudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo halkaasi ka dhici doona 24- bishan aynu ku guda jirno
korneel Cali Maxamed ahmed taliyaha saldhiga magaalada Cadaado oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay ciidama maanta la shegay in ay la wareegeen amaanka magalaadaasi.
Dhanka kale Waxaa socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee maamulka Galmudug Soomaaliya, waxaana kusoo qul qulayq magaalada Cadaado Wafuud caalami ah si ay uga qeyb galaan Caleemo saarka halkaas ka dhici doona 24-ta may ee bishan aynu ku guda jirno.

