War Deg Deg:-Ciidamada Ethopia oo La Wareegay Deegaanka Halgan

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyed iyo kuwa Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM in ay goordhaweyd la wareegeen Saldhiga Maltari ee deegaankaas.

Gudoomiyaha Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan Guhaad Cabdi Xasan ayaa Xaqiijiyay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM oo ay gudaha u galeen degaanka islamarkaana aysan la kulmi wax iska caabin ah oo kaga yimaaday dhanka Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Ethopia  ee qeybta ka ah Howglka AMISOM ayaa sanadkii aynu soo dhaafnay isaga baxay Deegaanka Halgan waxaa waqtigaas la wareegay Ciidamada Xarakada Al-shabaab, oo dhankooda isaga baxay deegaanka bilowgii sanadkaan 2017-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here