Natiijadda Wareega Koowaad ee Doorashada Madaxweynaha Galmudug

0

Waxaa lasoo gaba-gabeeyay tirinta cododka wareega Kowaad ee Doorashada madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug oo ay ku tartamayeen mas’uuliyiinta kala ah Axmed Cali Hilowle, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Cabdulqaadir Maxamed Shirwac.

Natiijadda wareega Kowaad ee Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa noqotay Hilowle 25 cod, Geelle Xaaf 58 cod iyo Shirwac 7-cod, waxaa Guddiga doorashada ay sheegeen in wareeg labaad loo baahan yahay islamarkaana ay isugu soo hareen xubnaha kala ah Axmed Cali Hilowle, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, sidaasna uu  Tartanka isaga haray Shirwac.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here