Xildhibaano aan Tagi Karin Deegaanada ay Kasoo jeedaan+Dhageyso

0

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay inaysan tagi Karin deegaanada ay kasoo jeedaan xilli la fasaxay Baarlamaanka dalka, kadib markii uu soo xirmay Kalfadhiga kowaad.

Nuure aadan Ciise oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deeganada Maamulka Somali-land ayaa sheegtay in aysan aadi Karin deeganada ay kasoo jeedaan islamarkaana fasaxooda ay ku qaadan doonaan Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Waxa ay sheegtay Xildhibaanad Nuure aadan Ciise oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay dhibaatooyin ay haystaan dadka deeganadaas kasoo jeeda,islamarkaana ay si wanaagsna loo gaarsiinin deeqa laga helo beesha caalamka.

Ugu dambeyntii Nuure aadan Ciise oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay diyaar u yihiin la kulanka Guddiga gurmadka Abaaraha si ay warbixin ugu siiyaan xaaladaha ay ku nool yihiin dadka ku dhaqan deeganada Maamulka Somali-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here