CXD oo Dhibaatooyin Ku Qaba Macalimiinta Ajaanibta ah ee Tabarada Siiya+Dhageyso

0

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed  ayaa sheegay in dhibaato lagu qabo xilligan Macalimiinta ajaanibta ah iyo hay’adaha Tabarada Siiya Ciidanka Xoogga Dalka si ay ula wareegaan amaanka Guud ahaan dalka Soomaliya.

Cor.Maxamed Xaashi Guuleed oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Dhinaca Tababarka Qaabilsan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhiibaatoyin ay Ciidamada ku qabaan Tabaradda ay bixiyaan Saraakiisha ajaanibta ah.

Waxa uu sheegay Cor.Maxamed Xaashi Guuleed oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Dhinaca Tababarka Qaabilsan in Ciidamada  la siiyo cashiro aysan xamilo Karin qaadashadooda.

Cor.Maxamed Xaashi Guuleed oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in Taliska Xoogga dalka Soomaliyeed ay haatan shaqo galiyeen saraakiil Soomali ah kuwaasi oo Tababaro siinaya Ciidamada kala duwan ee Xoogga dalka Soomaliya, halka markii hore Tababaro loogu qaadi jirey dalka dibadiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here