RW Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre dhawaan waxaa uu magacaabay Gole wasiirro,Wasiirro ku xigeenno iyo Wasiirro dowlayaal,kuwaasi oo dhawaan la doonayo in la ansaxiyo balse durbaba magacaabidooda kadib ay ka dhalatay muran iyo mooshinno ka dhan ah Wasiirada la magacaabay.
Waxaa Soo baxaya in xubno ka mid ah Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ay ku muransanyihiin ansaxinta Golaha wasiirada ee RW Kheyrre iyo qaabka loo magacaabay oo madaxda qaar ay sheegeen inaysan ahayn sidii loo baahnaa.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu warqad uu u diray RW Soomaaliya uu ku sheegay inay golaha wasiuiradu ay yihiin kuwa xilligaan aan loo baahneyn sida uu hadalka u yiri loona baahanyahay in RW-hu uu dib ugu laabto Xukuumadda uu soo magacaabay.
Warka guddoomiye Jawaari waxaa uu bixiyey aragtidii ugu horreysay ee laga qaato xukuumadda cusub ee magacaaban iyo qiyaasid ku saabsan kalsoonida ay helikaraan wasiirada,maadaamo horjoogaha Baarlamaanku uu kasoo horjeestay.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayey siyaasiyiintu sheegayaan inay noqdeen hayin raac ayna la kala safteen RW Kheyrre iyo Guddoomiye Jawaari,waxaana ay u kala safteen kuwa Mooshin kusoo dhaweeyey wasiirada iyo kuwa War kusoo dhaweeyey.
Arinta Xusidda mudan ayaa ah in khilaafka iyo xasarada wasiirada ay ku lug leeyihiin madax ka mid ah Maamul goboleedyada dalka qaarkood gaar ahaan hoggaamiyaha Maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu la sheegayo inuu yahay nin Galaangal badan oo saaxiib dhaw la ah.
xildhibaanada Baarlamaanka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur-galbeed,xalay ayuuna magaalada Baydhaba kula kulmay ku dhawaad 70-Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana uu fikir ahaan ka dhaadhiciyey xildhibaanada uu la kulmay inay ka horyimaadaan Guddoomiye Jawaari ayna u ololeeyaan in si dhib yari ah loo ansaxiyo golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.
Wararka la xariira Ansaxinta wasiirada haddaan eegnana Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawr mar ka codsaday Baarlamaanka Soomaaliya inay ansaxiyaan wasiirada cusub,qorshaha socda hadda ee la xariira arinta wasiirada ayaa waxaa ay madax badan oo isbahaystay ay xusulduub ugu jiraan sidii mar
baarlamaanka ay uga soo gudbi lahaayeen wasiirada magacaaban,Maalmaha soo socda ayaana lagu wadaa in baarlamaanka la horgeeyo,balse rajada wasiiradan ayaa ah mid aad u hooseysa marka laga hadlayo kalsooni ka helidda Baarlamaanka Soomaaliya.
RW Kheyrre oo isagu si dhib yar ay kagasoo gudbay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa filayey inuu helidoono kalsoonidii isaga loo muujiyey markii la magacaabay ee la horgeeya golaha shacabka,balse xaalku waa uu isbadalay oo waxaa lagu eedeeyey inuu kusoo badiyey wasiiradiisa rag horay loo tijaabiyey wax qabadka iyo tabartoodana la arkay iyo in Baarlamaanka xildhibaanada ku jura uu wasiirada kasoo dhax xulay waana qodobada sababta u ah kuwaan muranka iyo mooshinka laga horkeenay wasiirada Magacaaban.
W/D.Mohamed Abdi Hassan { iidle }.

