Wararka naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in goordhaweyd gudaha degmadaas uu dhacay dil loo geystay Haweeney da’ ah.
Askari ka Tirsan Ciidamada Nabad Sugida Dowladda Soomaliya oo magaciisa lagu sheegay Maslax Ganeey ayaa dilka u geystay Haweeneyda da’da aheyd oo ku sugneed wadada Danwadaagta ee Degmada Wadajr ee Gobolka Banaadir.
Qof kamid ah dadka degaanka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in askariga uu si bareer ah haweeneyda u dilay islamarkaana uu goobta isaga baxsaday falka kadib.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,waxayna wadaan howlgal lagu baado-goobayo askarigii ka ka dambeeyay dilk Haweeneyda.

