Israsaaseen u dhaxeysay Ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa Goordhaweyd waxa ay ku dhexmartay Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Wariye Mahad Maxamed Cabdiraxmaan “ Mutawakil” oo kamid ah shaqaalaha idaacadda Shabeele ee Magaalada Muqdisho, ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay israsaaseenta u dhaxeysay Ciidamada Dowladda Soomaliya.
Wariyaha ayaa la xaqiijiyay in dhaawaca uu kasoo gaaray dhanka Garabka, iyo sidoo kale dhabarka.
Waxaana haatan lagu dabiibayaa dhawaca wariyaha mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho sida uu bartiisa ku xaqiijiyay mid ah wariyaayaasha idaacadaas.

