Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Mohmet Simsek oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen wasiirada dalalka G20-ga ee ugu dhaqaalaha badan caalamka kaa oo ka dhacay magaalada Beden-beden ee dalka Germany ayaa waxa uu sheegay tan iyo 2011 xiligaa oo ay bilaabeen howlaha samafalka ee dowlada turkiga ay kawado gudaha dalka soomaaliya in ay ugu baxday lacag dhan $1 Billion oo dollar taa oo qeyb ka ah sida uu sheegay howlgalka horumarinta iyo maalgelinta qaarada Africa.
Qodobada looga hadlayay kulanka wasiirada G20-ga ayaa waxa uu sheegay in looga hadlay xoojinta xiriirka dalalka qaarada Africa oo 100-ka sano ee soo scoto mustaqbalka ganacsiga aduunka kor u qaadi karta.
Dowlada turkiga ayaa ah mid dadaalo badan ku bixineysa dalalka qaarada Africa oo 12 safaaradood imika ku leh dalal ay soomaaliya kamid tahay iyadoo qaarkood la’aas aasay sanadii 2004-tii.
Wasiir ku xigeenka dalka turkiga ayaa tibaaxay in kulanka labada maalin ka socday magaalada Baden-baden in uu ahaa mid miro dhal u leh maalgelinta dowlada turkiga isagoo xusay in ay sii wadi doonaan.
kulanka ay isugu yimaadeen wasiirada dalalka 20-ka ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ayaa horudhac u ah kulan madaxda dalalkaasi ay ku yeelan doonaan dalka germalka bisha July ee soosoto.

