Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta arrimaha Bulshada ee Safaaradda Turky-ga ee Soomaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo uu taageeray Go’aanka Dowadda Turky-ga oo haatan ay xiisad siyaasadeed ay kala dhaxayso qaar kamid ah wadamada reer Yurub.
Safaaradda qoraalka kasoo baxay ayaa lagu tibaaxay in madaxweynaha Soomaliya uu garab taagan yahay dhigiisa dalka Turky-ga Rajab Tayib Ardogan iyo shacabkiisa islamarkaana ay kasoo horjeedaan dagaalka diblumaasiyadeed ee dalka Holland.
Xiisadda Siyaasadeed ee u dhaxaysa dalalka Turky-ga iyo Holland ayaa xiligaan gaartay meeshii ugu sareysay, Madaxweynaha dalka turkey-ga ayaa ku eedeeyay wadanka Holland hadalkiisa ugu dambeeyay in ay ka dambeeyeen xasuuqii 1995-tii ka dhacay dalka Bosnia.

