Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dalka Britain oo Muqdisho Soo Gaaray

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Britain Boris Johnson ayaa goordhaweyd soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Ujeedka wafdigaan uu hogaaminayo xoghaye Boris Johnson ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro arrimo dhowr ah oo ku saabsan taageerida Somalia, gar gaarka sama falka iyo shirka London ee looga hadlayo arrimaha Somalia ee bisha May dhici doona.

Wafdigaan ayaa saacadaha soo socda la kulmi doona madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Dowladda Britain ayaa ka mid ah dowladaha safaaradooda dib uga furay Muqdisho, iyadoo safiir u soo magacaabay, Afartii sanno ee dambeeyay Xoghayayaashii Arrimaha Dibadda Britain ayaa socdaalo xiriir ah ku imaanayay magaalada Muqdisho, waxaana Britain ay xoojisay xiriirkeeda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here