Maxkamadda Xarakada Al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xukun gacan goyn ah ku ku fulisay laba wiil oo dhalinyaro ah oo fal tuuganimo ah ka geystay mid ka mid ah goobaha ganacsi ee ku yaalla degmooyin katirsan Shabeelaha Hoose.
Goobta xukunka lagu fuluniyay waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Gobolka Shabeeelaha iyo dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolkaas.
Xukunkaan ayaa lagu fuliyay Cabdi Cali Maxamed oo 25 sana jir ah iyo Max’med Xassan Cumar 20 sana jir ah oo ay ku cadaatay dacwad lagusoo oogay oo ku saabsaneyd in fal xatooyo ah ay kula kaceen hanti ay leeyihiin dad Shacab ah.
Maxamed ayaa lagu eedeeyay in uu mooro xoolaad oo kutaal duleedka degmada Janaale ka xaday neef dibi sedax sana jir ah.
“Maxkamaddu markii ay dhageysatay dacwada lagu soo oogay eedeysaneyaasha iyo jawaabihii ay bixiyeen oo ahayd mid qiraal ah, waxay maxkamaddu u bandhigtay shareecada islaamka, wuxuu noqday Xadu Sariqah, waxay soo saartay xukunka soo socda:- Cabdi Cali Maxamed waxaa laga goynayaa lugta bidix kadib markii horay looga gooyay gacanta bidix, halka Max’med Xasan Cumar laga goynayo gacanta bidix” ayuu yiri qaadiga maxkamadda oo fagaaraha ka akhrinayey xukunka.
Qaadiga Maxkamadda Al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa goobta ka akhriyay dacwadda lagusoo oogay labada nin ee ku kacay falka xatooyada ah, waxaana qaadiga uu sheegay in labaduba ay qirteen dacwada lagusoo oogay.

