Britain oo Lacago Dheeraad ah ay ugu Deeqayso Dadka ay Abaaruhu Ku Saameeyeen Soomaaliya

0

Dowlada Britian ayaa ku dhawaaqday in £16 million ah ay wax kaga qabaneyso abaaraha ku baahay dalka soomaaliya oo ay sheegtay in taageero ay u fidin doonto 450,000 oo quf kuwaa oo u baahan cuno iyo biyo.

Lacagtan ay ku yaboohday dowlada Britian ayeey ku sheegtay in ay qeyb katahay gaargaarka ay u fidineyso dadka abaaraha ay saameeyeen waxaana dowlada britian guud ahaan ay sheegtay in 110$ oo euro in ay u qoondeesay wax ugu qabashada abaaraha dalka Soomaaliya.

Qeyb ahaan lacagtan ayeey sheegtay UK in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabi doonto iyadoo kaa shaneysa 7 hay’adood oo soomaaliya ka shaqeeya kuwaa oo ay kamid tahay hay’ada golaha qaxootiga ee Norway, golaha qaxootiga Danish, guddiga badbaadada caalamiga,hay’ada kahor taga baahida iyo hay’ada caruurta ee Save the Children.

Xaalado bini’aadanimo oo kataagan Soomaaliya ayaa ah mid sii xumaaneysa taa oo saameysay 6.2 million oo qof oo Soomaali ah iydoo abaaraha ay yihiin kuwa ku sii baahaya deegaano hor leh waxaana sidoo kale jirta nafaqo darro baahsan oo soo wajahday caruur ku nool deegaanadu ay abaarahu saameeyeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here