Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho kadib markii qaraxyo Gawaari laga soo buuxiyay lagu weeraray Hoteelka Wehliye ayaa digniiino u jeediyay Bahda Saxaafadda Soomaliyeed.
C/fitax Cumar Xalane ayaa Saxaafadda Soomaliyeed ugu digay in aysan ku deg degin goobaha ay qaraxyada ka dhacaan islamarkaana ay ka fogaan si aysan waxyeelo ugu soo gaarin qaraxyada.
“Waxaan ugu digayaa Bahda Saxaafadda Soomaliyeed in aysan ku deg-degin goobaha ay qaraxyadda ka dhacaan, waad ogtihiin qaraxii ka dhacay Muqdisho sanadkii aynu soo dhaafnay waxaa wax ku noqday wariyayaal Soomaliyeed oo qaarkod ku dhintay,marka ka digtoonaada yaan lagu deg degin goobaha qaraxyada”, ayuu yiri C/fitax Cumar Xalane.
Digniintaan loo jeediyay bahda Saxaafadda Soomaliyeed ayaa kusoo beegmaya xili weerarkii lagu qaaday Hoteelka dayax sanadkii aynu soo dhaafnay ay ku dhaawacmen wariyaal Soomaliyeed kadib markii uu qarxay gaari Labaad oo yaalay ilinka hore e Hoteelka la weeraray.

