Laba shaqaale ah oo dhalashoodu tahay Malaysia ayaa si nabad galyo ah uga soo tagay Kuuriyada-Waqooyi shalay, markii Kuala-Lumpur iyo Pyongyang uu midba uu ammar dul dhigay shacabka labada waddan ku kala sugan.
Xukuumadda Kuala-Lumpur waxay ku doodaysaa in dadkeeda ku sugan Kuuriyada-Waqooyi lagu haysto afduub.
Labada nin ee kasoo tagay Kuuriyada-Waqooyi waxay ahaayeen shaqaale ka tirsanaa hay’adda WFP, sida Qaramada Midoobeey war kasoo baxay lagu yiri, “Shaqaaleheennu waa dad rayid ah oo aan matalin dowladaha ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan”.
Waxaa kaloo intaa lagu daray, “Waxay labadaas xubnood iminka gaareen caasimadda Beijing ee dalka China.”
Kuala-Lumpur iyo Pyongyang waxay lahaayeen xiriir sanado badan soo jiray, laakiin waxaa xumeeyay markii laba dumar ah ay wajiga uga masexeen kiimiko uu naftiisa ku waayay Kim Jong-nam gudaha madaarka Kuala-Lumpur 13kii February.
Raysalwasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa facebook wuxuu ku qoray, “Illaahay ayay mahadi u sugnaatay, laba muwaaddiniinteena ah Stella Lim & Nyanaprakash Muniandy oo u shaqeeya WFP ayaa loo ogolaaday inay ka duulaan Pyongyang, waxayna si nabad ah ku tageen Beijing.”
Wuxuu kaloo ka hadlay diblomaasiyiiin iyo shaqaale kale oo wali ku xanniban Kuuriyada-Waqooyi, wuxuuna yiri “Kuala Lumpur waxay ku dadaalaysaa sidii muwaaddiniinteeda lagu sii dayn lahaa, laakiin inta taa ka horreysa dalka Malaysia kama bixi doono sanku-neefle u dhashay Kuuriyada-Waqooyi.”
Wuxuu sii raaciyay, “Kama joogsan doonno tallaabo kasta oo dadkeena lagu soodaayo.”
Xubno ka tirsan xukuumadda Malaysia ayaa AFP u sheegay in siidaynta labadaa shaqaale aysan wax lug ah ku lahayn dowladda Malaysia.
Raysalwasaare Najib ayaa bartiisa Facebook wuxuu kaloo ku qoray “Waxaan teleefanka kula hadlay Encik Mohd Nor Azrin, qunsulka Malaysia u fadhiya Kuuriyada-Waqooyi, waxaan jeclahay inaan idiin soo bandhigo, isaga & qoyskiisa & shaqaalaha kaleba ee Malaysiyaanka ah ee ku sugan Kuuriyada-Waqooyi waa nabad qabaan, Illaahay baa mahaddaas iska leh”.
Wuxuu kaloo yiri, “Waxaan u sheegay oo u caddeeyay in dowladda Malaysia ay samayn doonto tallaabo walba oo aan si nabad galyo ah ugu soo celin doono dalkooda sida ugu degdegsan, dadka Reer-Malaysiyana waa idiin soo ducaynayaan.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri, “Iyadoo loo diiday inay dalka ka baxaan, dowladda Kuuriyada-Waqooyi waxay noo sheegtay inay si nabadgalyo ah nolol-maalmeedkooda wadan karaan, laakiin dowladdeena waxay sii wadi doontaa xalka ugu habboon arrintan, aanu u ducayno dhammaante inay wax walba hagaagaan.
Maxamed Jaamac Faarax
Simba News, Oslo-Norway.
Mjfaarah@gmail.com



