Weerar lagu qaaday xarun tareen oo ku taala Germany

0

Bilayska Germany ayaa xiray xarunta tareemada ee Duesseldorf caawa, kaddib weerar ka dhacay boosteejada tareenka.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in dhowr qof oo dhaawac ah ay yaallaan boosteejada.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay inay arkayeen dad dhaawac ah oo dhulka yaalla, waxaana soo weeraray nin kaliya oo ku hubaysan faas. Qaar kale waxay sheegeen in shaqsigaasi ku hubaysnaa baangad.

Bilaysku wali arwrintaa kama hadal, sidoo kale ma jiraan tirada dhibanayaashu intay yihiin.

Wariye ka socda wargayska Der Speigel oo goobta tagay ayaa sheegay inuu arkay laba qof oo dhaawac ah, wuxuu kaloo tilmaamay inay xaaladdu caadi kusoo laabanayso.

Sawirro lagu faafiyay baraha internetka ayaa laga arkayaa ciidamo goobta dhooban iyo diyaaradaha helikobtarka oo goobta duljooga.

Gawaarida degdegga ah ayaa kusugan halka la yiraahdo Adenauer Square oo ah afaafka hore ee laga galo xarunta tareemada dhibtu ka dhacday.

Halkay mashaqadu ka dhacay oo ah Duesseldorf waxay xuddun u tahay tareemmada waxaana halkaa ka safra maalintii rubuc malyuun dad ah.

Maxamed Jaamac Faarax
Radio Simba, Oslo, Norway.

Mjfaarah@gmail.com
Attachments area

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here