Nin hubeysan ayaa xaley degmada hobyo ku dilay nin kale oo la sheegay in uu kamid ahaa dadka ku nool degmada hobyo.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xashi maxamed carab iyadoona ninka falka dilka geystay uu goobta isaga baxsaday waxaan wararka ay sheegayaan in uu u baxday dhinaca deegaanka Ceel-dibir.
Dadka Hobyo ayaa inoo sheegay inta dila uusan dhicin ka hor uu muran labada dhinac dhex maray waxana muranka uu ka dhashay sida la sheegay Turub ay wada ciyaarayeen.
Ciidamada Ammaanka iyo odayaasha Hobyo ayaa ku howlan sidii gacanta loogu dhigi lahaa gacan ku dhiiglaha.
Magaalada Hobyo ayaa waxaa ku sugan haraadigii kooxaha burcad badeedka, iyagoo inta badan ku hubeysan qoryo fudud.

