Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka Kenya Raila Odinga oo isbitaal la dhigay

0

Hoggaamiyaha mucaaradka xisbiga NASA ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa isbitaal ku yaalla Nairobi oo la yiraahdo Karen Hospital shalay oo Arbaca ahayd la dhigay markuu ku sumoobay cunto, Raila ayaa isbitaalka loola carray cabasho uu ka keenay calool xanuun daran, waxaa laga filayay inuu xafiiskiisa ku yeesho kulammo xiriir ah kahor intuusan xanuusan.

Kaddib daawayn loogu sameeyay isbitaalka ayaa laga soo saaray isagoo ay la socdaan qaar kamid ah gacanyare-yaashiisa ayna sheegeen inuu fiican yahay maanta oo khamiis ahna u duuli doono dalka South-Africa si uu usoo booqdo gabadhiisa Rosemary.

Raila Odinga oo warbaahinta hadal gaaban siiyay ayaa caddeeyay in isbitaalka la dhigay haatana lagana soo saaray, laakiin muusan bixin tafaasiil intaa ka badan.
Raila wuxuu mashquul ku ahaa usbuucyadii lasoo dhaafay safarro latashiyo ah oo uu ku yeeshay meelo badan oo dalka Kenya.

Wuxuu kaloo booqday dalka Nigeria intuusan dib ugu soo laaban Kenya oo uu Magaalada Nyeri kaga qayb galay aaska duqii hore ee degmada Nyeri Nderitu Gachagwa oo geeriyooday.

Raila Gabadhiisa Rosemary ayaa arrimo nasiino ah u joogta South-Africa sababtoo ah waxaa hadda kahor qalliin-caafimaad loogu sameeyay Kenya, waxaana safarka ku weheliya hooyadeed Ida Odinga iyo walaasheed Winnie Odinga.

Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.

Mjfaarax@gmail.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here