War Deg Deg:-Ciidamo Gadoodsan oo Caawa La Wareegay Kontoroolka Koonfureed Garoowe

0

Wararka haatan ka imaanaya magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa ku waramaya in Ciidamo Gadoodsan oo ka Tirsan kuwa Maamulkaas in ay caawa la wareegeen Kontoroolka Koonfureed ee Magaaladaas.

Ciidamada ayaa gabi ahaanba hakad galiyay dhaqdhaqaaqa Guud ee Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe, waxaana ay wataan Gadiidka dagaalka Noocyadiisa kala duwan sida idaacadda simba ay u xaqiijiyeen dad Magaalada garoowe ku sugan.

Sababta ka dambeysa la wareegitaanka Ciidamada maamulka Puntland Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Ciidamada ay cabanayaan mushaar la’aan muddo bilo ah islamarkaana ay maamulka ka waayeen Gunooyinkii ay ku lahaayeen.

Kuma cusba deeganada Maamulka Puntland goobaha ugu muhiimsan in ay la wareegaan Ciidamo gadoodsan oo ka cabanaya Mushaar la’aan dhawaan ciidamo gadoodsan waxa ay la wareegeen xarunta Wakiiladda Puntland iyo Wasaaradda Maaliyadda Maamulkaas ee Magaalada Boosaaso.

Dhanka kale Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland oo dhawaan warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in aysan jirin lacago ka maqan Ciidamada kala duwan ee puntland islamarkaana mushaaraadkooda la hormariyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here