War Deg Deg:-Nabadoon Ka Mid ahaa Ergadii Galmudug oo Caawa La Dilay

0

Kooxo Hubeysan ayaa caawa Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada muqdisho waxa ay ku dileen Ala Ha u Naxariistee C/laahi Kaba-weyne oo kamid ahaa Ergadii Galmudug Xildhibaanada kusoo dooratay.

Rag Hubeysan ayaa la sheegay in Salaadii maqrib kadib ay Marxuum C/laahi Kaba-weyne ay dhowr xabadood ay ku dhufteen islamarkaana uu goobta ku quur baxay sida goob joogayaal ay u sheegeen idaacadda Simba.

Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya ayaa gaaray goobta uu ka dhacay dilka loo geystay C/laahi Kaba-weyne oo kamid ahaa Ergadii Galmudug Xildhibaanada kusoo doortay, waxaa jirey Howlgal la smeeyay inkastoo aan la ogeyn cid lagu soo qabtay howlgalkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here