Ahlusuna oo Xubno Ka Yeelanaysa Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Soomaliya

0

Warar lagu kalsoonan karo oo ay heshay idaacadda Simba ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu u balanqaaday Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca in ay ka dhex muuqan doonaan Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqi doono.

Taasi badalkeeda ayaa la sheegay in Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljeemaca lagu qanciyay in ay la midoobaan Maamulka Galmudug oo dhawaan dooranaya Madaxweyne cusub kadib markii uu iscasilay C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweyne Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan howlaha uu wado Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ee ku aadan in xubno ay ku yeeshaan Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan la magacaabi doono.

Farmaajo oo ku howlan mideynta Maamulada uu Khilaafka ka dhex aloosan yahay ayaa sidoo kale Hogaamiyaha maamulka ku qanciyay in Dowlada cusub ay ku yeelan doonaan Agaasimayaal iyo Waaxyo, waxa uuna ka dalbaday in Ahlusuna looga baahan yahay inay kasoo dabacdo halka ay iminka taagan tahay isla markaana si dhow ula shaqeeyan Dowlada cusub ee Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here