Madaxweyne Farmaajo Xilalka Ka Qaadaya Taliyayaasha Ciidamada Qaranka Soomaliyeed

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa wada qorshe oo xilalka kaga qaadayo Taliyayaasha Ciidamada Qaranka Soomaliyeed kadib markii dhaliil laga muujiyay Amniga magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Madaxweynaha ayaa wada kulamo dhowr oo la qaadayo Taliyayaasha Ciidamada Qaranka Soomaliyeed arrimaha uu kala hadlaayo ayaa u badan sidii isbadal loogu sameyn lahaa amniga dalka uu haatan u muuqdo mid jawi kale galaya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaa in uu wado qorshe uu xilalka kaga qaadayo Taliyayaasha Ciidamada Ciidamada qaranka Soomaliyeed oo intooda badan lagu eedeeyay in ay gudan waayeen waajibaadkii loo ikmaday.

Taliyayaasha uu xilkooda ku jiro qalqiilka ayaa waxaa kamid ah Taliyaha Booliska iyo Nabadsugida, oo iyagu lagula xisaabtamaayo dhacdooyinka amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Warar kale oo soo baxaya ayaa ku waramaya in Madaxweynaha taliyihii Hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed general C/raxmaan Tuur yarre oo haatan ah La taliyaha wasaaradda amniga Gudaha uu xilka kusoo celin doono.

Madaxweynaha Somaliya oo laba maalin ka hor kulan guud la qaatay Taliyayaasha ayaa sheegay inuu doonaayo in Taliyayaasha qaar ee ku hingoobay wax ka bedelka Amniga ay is casilaan ama ay wax muuqda ka qabtaan amniga, waxa uuna go’aankaasi hordhac u ahaa qorshaha xil ka qaadista ah ee uu damacsan yahay Madaxweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here