Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble oo kormeer ku tagay Dakadda macmalaka ah Ceel Macaan ayaa sheegay in qaar kamid ah dowladaha dariska ay hub ku taageeraan maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Cosoble ayaa ka dhawaajiyey inay dowladaha dariska ah si sharci darro ah ku siiyaan hub maamul Goboleedyada taasoo aysan qabin sharciyada caalamiga ah, xilli uu ka dhawaajiyey inaysan arrintaas ka warqabin dowladda dhexe sidoo kalana aysan ka heysan wax fasax ah.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-shabeelle ayaa arintaan ay sameynayaan dowladha dariska ku tilmaamay inay tahay mid dagaal iyo xasarad ka dhex abuuro karto maamul Goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ee Federaalka Soomaliya loona baahan yahay in arrintaas si deg deg ah wax looga qabto.
“Aniga ayaa indhahayga ku arkay mid kamid ah dowladaha dariska oo hub ku taageeraysa mid kamid ah Maamul Goboleedyada dalka jira, taasi waxa ay abuuri kartaa in dagaal iyo xasarad ka dhex abuuro maamul Goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ee Federaalka Soomaliya, dowladda Cusub ee Farmaajo hogaamiyo ayada ayaa loogu fadhiyaa in ay wax ka qabato arintaan”, ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Cosoble.
Dadka siyaasadda Falanqeeya ayaa hadalkaan ku tilmaamay mid lagu durayo Maamulka la magac baxay Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca oo taagero malatari ka hela Dowladdda Ethopia ay xuduud wadaagaan.
Dhawaan Madaxweynaha Maamulka Ahlusuna Waljeemaca Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa sheeegay in aysan aqoonseen Maamulada Galmudug, iyo Hir-shabeelle.

