Xilli dhawaan guddiga heer federaal ee gurmadka Abaaruhu ay madaxda Maamul-goboleedyada ku wareejiyeen lacago loogu talagalay in wax loogu qabto dadka ay abaaruhu ku saameeyeen gobolada dalka soomaaliya ayaa waxaa kasoo baxay deegaanada maamulada qaar ay ka arimiyaan cabasho kasoo yeereysa dadka gurmadka dowladda dhexe ka yimid loogu tala-galay.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka gobolka Mudug ee Galmudug Cabdi xuseen Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta Simba inay diyariyeen nadaam lagu xaqiijinayo in dhammaan dadka ay abaartu saameysay ay heleen lacagtii loogu talagalay.
Si loo hubiyo in dadku ay heleen wixii ay xaqa u lahaayeen ayuu sheegay in ka maamul ahaan ay sameeyeen guddi daba-gal ku sameeya dadka loo wakiishay qaybinta lacagta kuwaasi oo dadka waydiindooa in sidii loogu talagalay ay wax ku siyaan iyo in kale.
Cabdi xuseen Maxamed ayaa sheegay in wax la aqbalikaro aysan in la musuq-maasuqo deeqaha la doonayo in lagu samata bixiyo dadka ay abaaruhu saameen inta qof ku nool deegaan Galmudug maashana aysan dhacaynin in wax isdab-marin ay dhacdo ciddii lagu helana tillaabo laga qaadi doono.
Deegaanada ay ka arimiyaan maamul-goboleedyada dalka qaarkood ayaa waxaa lagu waramayaa in musuq-maasuq lagu sameeyey lacago dowladda dhexe ee soomaaliya gar ahaan guddiga heer federal ee gurmadka abaaruhu ay ku wareejiyeen maamulada lacagahasi oo loogu tala-galay in wax loogu qabto ddka abaaraysan,waxaana meelaha qayla dhaantu ka jirto ka mid ah deegaanada dhaca gobolada Mudug iyo Galgaduud oo intiisa badan uu ka arimiyo maamulka Galmudug ,saraakiisha Galmudugna arint waa ay beeniyeen.

