Maamulka Hir-shabeelle oo Dayacay Shacabka Ku Nool Degmada Buula-Burde ee Gobolka Hiiraan+Dhageyso

0

Guuddoomiyaha degmada Buula-Burde ee Gobolka Hiiraan C/casiis Duuroow oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa Ku eedeeyey Msuuliyiinta iyo Madaxda sare ee maamulka Hir-shabeelle inay dayaceen islamarkaana ay iska iloobeen shacabka degmadaasi ku nool.

Guddoomiye duuroow ayaa sheegay in dhawr mar madaxda Hir-shabeelle ay ku wargaliyeen xaalad nolol xumo oo ka jirta qaybo ka mid ah degmada una baahan in wax laga qabto walina madaxdu aysan kasoo jawaabin codsigii ay ka maamul ahaan ay u direen.

Madaxda Hir-shabeelle ayuu sheegay inay ogyihii in xaalad liita oo dhanka nolosha ah ay ka jirto halkaas loona baahanyahay in gurmad muuqda lala garo qoysaska dhibaatadu haysato,waxaana madaxda sare ee maamulka uu ku eedeeyey inay iska indha-tireen wax u qaashada qoysaskaasi.

Degmada Buula-burde oo ah caasimadda 2-aad ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa hadda ka jira xaalad nololeed oo aad u liidata oo ka dhalatay abaarta ka jirta guud ahaan degmada iyo deegaanada hoos yimaada,waxaana xusid mudan in degmadu ay u go’doonsantahay xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here