Howlgal Al-shabaab Loogu Saarayo Gobolka Gedo oo Lagu Dhawaaqay+Dhageyso

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo Cor.Cbaas Ibraahim Gurey ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ee gobolkaasi iyo sarakiishooduba ay u diyaar-garoobeen weerar ay ku qaadaan degmooyinka iyo deeganada gobolka Gedo ay kaga suganyihiin ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Cor.Cabaas ayaa tilmaamay in qorshaha ugu horreeya ee arintan ay tahay in ciidanku ay qabsadaan deegaanno ka tirsan gobolka oo u go’doonsan Al-shabaab oo ay ka mid tahay degmada Buur-dhuubo iyo deegaanada hoos-yimaada.

Taliye Cabaas oo la hadlayey Idaacadda Simba ayaa sheegay inay rajeynayaan in howlgalkan uu ciidanku guuleysto gobolka geda-na laga waayo askari ka tirsan Al-shabaab,waxaana uu intaa ku daray inay jirikaran caqabado ay suura-gal tahay inay ka hor imaadaan ciidank duullaank qaaday balse ay u babac-dhigidoonaan wax walba oo ka hor yimaada.

Al-shabaab ayaa wali waxaa y fariisimo xooggan ay ku leeyihiin deegaanada G/Gedo lamana saadaalinkaro waxa hadalka taliyaha ciidanka xoogga dalka ee Gobolkaasi uu ka badalayo xaaladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here