Cabashooyin La Gaarsiiyay Xafiiska Guddiga Qaban-qaabada Doorashada+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddiga ay soo gaareen cabashooyin ay qabaan qaar kamid ah Musharixiinta madaxweynaha Cusub Soomaliya.

Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in Musharixiinta ay intooda  badan cabasho ka yihiin xubno kamid ah Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha oo u xaglinaaya Musharixiinta Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

“Guddiga qaban-qaabada doorashada waxa uu haatan gacanta ku hayaa cabashooyin ay soo gudbiyeen xubnaha musharixiinta madaxweynaha Cusub ee Soomaliya, dhamaan waxa ay dacwad ka yihiin xubno kamid ah Guddiga qaban-qaabada doorashada, waxa ay sidoo kale dalbadeen in la sameeyo guddiga la dagaalanta musuq-maasuqa”, ayuu yiri C/raxmaan Ducaale Beyle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here