Warbixin ay soo saartay Dowladda Kenya ayay ku sheegtay dhalashadii ay heysteen labadii shaqsi ee ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab ee fuliyay weeraradii ismiidaaminta ee ahaa ee jimcihii lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow ee Gobolka jubada Hoose.
Kenya waxa ay sheegtay in dagaalkii deegaanka kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose ay fuliyeen In ka badan 500 oo askari oo iskugu jira Kenyaan, iyo Tanzania oo ka garab dagaalama Xarakada Al-shabaab ee Soomaliya ka dagaalanta.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya ayaa sheegay in dagaalyahanada fuliyay dagaalka oo haystay dhalashooyinka kala ah Somalia,Kenya iyo Tanzania, ay isku soo ekeysiiyeen dad xoolo dhaqato ah islamarkaana ay sidaas dagaalka ku fuliyeen.

