Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Kenya ugu weyn ee ODM Mr Raila Odinga oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi ayaa sheegay in niyad jab weyn ay dareemayaan Shacabka kenyaan ah kadib markii Al-shabaab ay mar kale weerar qasaaro badan dhaliyay ay ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada Kenya ku sugnaayeen oo ku yaala deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose.
Mr Raila Odinga ayaa sheegay in weerarkii Jimcihii Al-shabaab ay ku qaadeen Deegaanka Kulbiyow sidoo kale lagu dilay saraakiil sare oo ka Tirsan Ciidamada Malatariga dalkaas ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ku sugan.
Sidoo kale Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Kenya ugu weyn ee ODM Mr Raila Odinga ayaa dalbaday in Ciidamada kenyaan-ka ee Soomaliya ku sugan in laga saaro si aysan mar kale dhibaato kala kulmin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
“Waxaan leeyahay waan ka Xumahay waxa ka dhacay deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose, waxaan luminay dad qaali nagu ahaa oo aan jecleen, madaxda kenya waa in jawaab deg deg ah ka bixiyaan weerarka Kulbiyow ka dhacay”, ayuu yiri Mr Raila Odinga.
Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa jimcihii weerar xoogan ku qaaday Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose,shaabab waxa ay sheegeen in dagaalkaas lagu dilay 67-askari, inkastoo Kenya ay arintaas beenisay.

