Tiro Dad ah oo Loo Qabtay Dil Beledweyne Loogu Geystay Ganacsade+Dhageyso

0

kadib Howgalo is daba jog ahaa oo Ciidamada Amaanka Gobalka Hiiraan ay ka sameyey Magaalada Baladweyne ayaa waxaa u suurto gashay inay ganacta ku soo dhigaan Tiro Dhalinyaro ah oo lagu Tuhunsan-yahay inay ku lug-lahaayeen Dilkii Xalay Baladweyne loogu gestay allah unaxariistee ganacsade Cusmaan Dheere oo Magaalada Baladweyne Maalmihii danbe ka Waday Mashaaruuc Hormarineed oo uu ku samaynayey Xarumaha Maamulka Dagmada sida Dhismaha Xabsiga Dhexe Magaalada Baladweyne.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Baladweyne Kornel Cali Dhuux Mahad Alle oo Idaacada Simba la hadalay ka Dib markii Xabsiga loo Dhaadhiciyey Eedeysanayaashaan loo soo qabtay inay Dilka Cusmaan dheere ayaa Sheegay Dadkaan Baaritaan ku hayaan Laamaha Danbi Baarista Gobalka islamaraan ay Cadaalada Hortagi doonto Cidii lagu helo inay ku luglahayd Fal Danbiyeedkaasi.

Taliska Amniga Magaalada Baladweyne ma aysan Shaaci Tirada iyo Magacyada Raga loo soo Qabtay Dilka ganacsade Cusmaan Dheere waxaanse Jirta in Ehelada Marxuunka la Dilay ay Dalbadeen in la dadajiyo Baaritaan Eedeysanayaashaan si Cadaalada loo Marsiiyo Shaqsiyaadkii ka danbeey Falkaasi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here