Britian Oo Dib U Qaabeyn Ku Sameyneysa Taageerada ay Siineyso Ciidamada AMISOM

0

Haweyneeda xoghayaha u ah  dowlada britian ee u qaabilsan horumarinta caalamiga ah  Mrs  Priti Patel oo u soo safartay magaalada mogdisho ayaa waxa ay sheegtay in muhiimad ay u leedahay dowlada britian in wada shaqeyn ay la’yeelato dowlda Somaliya iyadoo ka’saacideysa xaaladaha bini aadan-nimo ee dalka ka jira  waxana ay sidoo kale balan qaadyo u sameysay Ciidamada Amisom ee howlka nabad ilaalin u jooga Soomaaliya.

Intii ay kuguda jirtay safarkeeda mrs Patel ayay  lakulantay kuxigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee  AMISOM Lydia wanyoto iyo taliyaha ciidamada Amisom GEN. Subage iyo waliba sidoo kale waxeey kulan la’qaadaytay taliyo ku xigeenka Police-ka Amisom Christine Alalo iyaga oo  kawada hadleen Dadaalada loogu jiro Nabadeynta Soomaaliya iyo kor u qaadista  Sugidda Aminiga.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa ay ciidamada amisom ku amaantay howlgalada ciidamadadooda ay kawadaan dalka kuwa oo ay sheegtay in naftooda ay u hureen sidii mas’uuliyada amaanka dalka dowlada ula wareegi laheyd.

Waxaa sidoo kale haweyneydaan Xoghayaha u ah horumarinta arimaha dibdda ee dalka britian waxa ay ku dhawaqday  in dowlada UK Soomaaliya ay ugu deeqday 10 Million oo Bound si wax loogu qabto xaaladaha bini’aadan nimo oo abaaraha ay ugu horeeyaan iyaga oo bixinaya adeegyada Caafimaad ee aas-aasiga iyo waliba cunnoyin  waxaana  gar’gaarkaasi la’soo marsiinayo hay’adaha qaramada midoobe ee kala ah(WFP, UNICEF, FOA.)

Ugu dambeyntii haweyneedan ayaa sheegtay in taageerada ay siinayaan midowga Africa ee amisom in door muhiim ah ay ka’qaadaneyso nabad ku soo dabaalida iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here