Dowlada Mareykanka gaar ahaan waaxda Gobalka ayaa gudoonsiisay Militiriga ciidamada Uganda ee soomaliya kusugan qalab kala-duwan oo ay ku taageereyso Ciidamadadaasi kuwaa oo qeyb ka ah howl-galka midowga Africa ee AMISOM.
Qalabkan ayaa waxa ay kala yihiin gawaarida Cagaf-cagafta ah, mootooyinka dhulka xaaqa, gawaarida xamuulka, qalabka dayactirkooda iyo waliba qalabyo kala duwan oo loogu talagay dhismaha wadooyinka in deb u hagaajin loogu sameeyo si wadooyinka raafka ah ee dalka gaar ahaan gobalada soomaaliya oo la sheegay in gacan lixaad leh ka’geesanayaan Ciidamada shisheeye ee Amisom Iyada oo horay maamulka AMISOM uu u balanqaaday wadooyinka deegaanada Hirshabelle in ay dayactiri doonaan.
James Watters oo ah isku xiraha dowlada mareykanka iyo ururka midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in qalabkan uu kacaawinayo xitaa in ay kaadkaan dagaalyahanada al shabaab isaga oo xusay in marwalba dowlada mareykanka taageero la garab taagantahay dowlada Soomaaliya si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro Xarakada Al shabaab.
Taliyaha Ciidamada Uganda ee howlgalka AMISOM Brig Sam Okinding ayaa gudoomay qalabkan kala duwan isaga oo matalaya Ciidamada Uganda iyada oo xaflada wareejinta lagu qabtay xerada xalane ee magaalada Mogadishu.
Isaga oo sheegay in qalAbka la gudoonsiiyay uu u saamixi doono “Howlgal guuleysta” kaa oo lagu fulin kara kaabayaasha mashruucyo kala duwan si sare loogu qaado Nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka.
Taliyaha Ciidamada Amisom ee u qaabilsan howlgalada ayaa intaa ku daray in ay ka shaqeyn doonaan dhismaha wadooyinka muhiimka ah ee Soomaaliya si loo helo rakaab nabad qaba iyo in ay fududaato dhaq-dhaqaaqa hay’adaha gargaarka Bini’aadan qaabkii ay halkaasi ku gaari la’haayeen.

