Maamulka Galmudug oo ka Hadlay Ciidamo La Sheegay in ay ku Wajahan Yihiin Deegaano ka Tirsan Gobolka Mudug

0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada Maamulkaas ay diyaar u Yihiin  ay Gabi ahaanba ay la wareegaan Goobaha aysan xiligaan Gacanta ku Haynin Maamulkooda

Madaxweyne Ku –xigeenka Maamulka Galmudug ahna Ku-simaha Madaxweynaha  Maxamed Xaahi Cabdi oo Maanta Xafiiskiisa kula Hadlay Radio simba ayaa sheegay In Maamulka Galmudug uu diyaariyay ciidamo loogu Talagalay in ay la wareegeen Goobaha ay  aysan ku sugneen xiligaan

Sidoo kale Madaxweyne Ku –xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaahi Cabdi ayaa ka Hadlay deegaanka  camaara oo la sheegay in ay ku wajahan Yihiin ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Galmudug oo dhawaan ay la wareegeen ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab

Maamulka Galmudug ayaa Mudooyinkii dambe waday dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ku doonayaan in ay dib kula wareegaan Goobaha aysan ku sugneen ciidamada Maamulkooda

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here