Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada Maamulkaas ay diyaar u Yihiin ay Gabi ahaanba ay la wareegaan Goobaha aysan xiligaan Gacanta ku Haynin Maamulkooda
Madaxweyne Ku –xigeenka Maamulka Galmudug ahna Ku-simaha Madaxweynaha Maxamed Xaahi Cabdi oo Maanta Xafiiskiisa kula Hadlay Radio simba ayaa sheegay In Maamulka Galmudug uu diyaariyay ciidamo loogu Talagalay in ay la wareegeen Goobaha ay aysan ku sugneen xiligaan
Sidoo kale Madaxweyne Ku –xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaahi Cabdi ayaa ka Hadlay deegaanka camaara oo la sheegay in ay ku wajahan Yihiin ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Galmudug oo dhawaan ay la wareegeen ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab
Maamulka Galmudug ayaa Mudooyinkii dambe waday dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ku doonayaan in ay dib kula wareegaan Goobaha aysan ku sugneen ciidamada Maamulkooda

