Tahriibayaal Soomaliya ay Ku Jirto oo Laga Soo Badbaadiyay Badda Mediterranean-ka

0

Ciidamada ilaaladda Xeebaha dalka Talyaaniga ayaa  badbaadiyay qaar ka mid ah 900 oo Tahriibyaal ah oo  ku xayirnaa  biyaha Badda Mediterranean-ka kadib howlgal la sameeyay.

Saraakiisha ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in inta badan dadka Tahriibayaasha ah lagu soo badbaadiyay habeenimadii xalay aheyd laba doonniyood oo alwaax ah oo kuwada safrayay xeebaha Libya iyadoo 40 qof laga soo badbaadiyay doon kale marka waagu beryay.

Dadka Ciidamada  Talyaaniga ay  badbaadiyeen waxa ay  kala heystaan dhalashooyinka kala ah Eritrean, Bangladesh, Pakistan, Somali, iyo Suuriyaan, oo ay la socdeen qoyskooda iyo carruurtooda oo ka imaadeen Liibiya.

Dalka talyaaniga ee qaarada Yurub  waxaa gaaray sanadkaan 2016-ka ee sii dhamaanaya dad lagu qiyaasay 180,300 oo qaxooti afrikaan  iyo dadka magangalyo-doonka ah  kuwaasi oo ku gaaray doonyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here