Taliska Booliska Afgooye oo Beeniyay in Shabaab ay La Wareegeen Degmadaas+Dhageyso

0

Xaaladda Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelah hoose yaa caawa degan kadib Markii dagaalyahnada Xarakada Al-shabaab ay galabta weerar qorshaysan ay ku qaadaan gudaha degmadaas.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Dhame Maxamed Amiin Cismaan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Soomaliya ay iska caabiyeen shabaab, ayna been abuur yihiin wararka sheegaya in shabaab ay qabsadeen degmadaas.

Taliye Amiin waxa uu sheegay in Al-shabaab laga dilay dhowr ciidan islamarkaanay yaalan gudaha degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose,wuxuu sheegay sidoo kale in Ciidamada dowladda qasaaro yar uu soo gaaray.

Xarakada Al-shabaab oo dagaalka ka hadashay ayaa sheegtay in Ciidamadooda ay la wareegeen saacado kooban gudaha iyo hareeraha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo qasaaro gaarsiiyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya waa sida hadalka loo dhigay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here