Dagalyahanada Shabaab oo Laga Cabsi Qabo in ay Faragaliyaan Doorashada Kenya Ka Dhacaysa

0

Dowladda Kenya ayaa  cabsi xoogan ka  qabta in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay faragaliyaan nidaamka codaynta Elektarooniga ah doorashada Kenya ka dhacaysa sanadka 2017-ka.

Xoghayaha Golaha Xukuumadda ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane Joe Mucheru ayaa khamiistii ku saleeyay nidaamka codeynta buuga ama gacmaha lagu suubiyo ay dabada ka riixayaan xukuumada inay qayb ka tahay cabsida ah inay farageliyaan Xarakada Al Shabaab doorashada 2017-ka.

Joe Mucheru waxa uu sheegay in shabaab ay dhowr jeer oo hore ay ugu hanjabeen in ay faragalin doonaan nidaamka codaynta Elektarooniga ee doorashada Kenya ka dhacaysa sanadka 2017-ka.

Wuxuu ugu baaqay dhamaan  laamaha amaanka dalkaas in ay adkeeyeen amaanka goobaha doorashooyinka, gaar ahan goobaha ay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay weerarada ka geystaan sida Gobolka Woqooyi bari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here