Warar lagu kalsoonan karo aynu ka halayno Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas uu xiligaan wado qorshe oo xilalka kaga qaadayo mas’uuliyiinta Gobolka Bari iyo kan Magaalada Boosaaso.
Sababta ugu weyn ee xilalka loogu qaadayo ayaa lagu sheegay in aysan si wanaagsna u gudanin xilkooda, islamarkaana ay dayaceen amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari oo Mudooyinkii dambe lagu dilay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland.
Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari waxaa bishaan sii dhamaanaysa gudaheeda lagu dilay xubno kala ahaa taliye kuxigeenka Booliiska Puntland Jamaac Saxardiid, Agaasimihii Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso Aadan Gaas Haruuse, iyo Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada qalabta sida ee Puntland C/kariin Xasan Fardhiye.

