Madaxweynaha Puntland oo Wada Qorshooyin uu Xilka Kaga Qaadayo Mas’uuliyiinta Gobolka Bari

0

Warar lagu kalsoonan karo aynu ka halayno Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya  in  Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas  uu xiligaan wado qorshe oo xilalka kaga qaadayo mas’uuliyiinta Gobolka Bari iyo kan Magaalada Boosaaso.

Sababta ugu weyn ee xilalka loogu qaadayo ayaa lagu sheegay in aysan si wanaagsna u gudanin xilkooda, islamarkaana ay dayaceen amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka  Bari oo Mudooyinkii dambe lagu dilay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland.

Magaalada Boosaaso  ee  Gobolka bari waxaa bishaan sii dhamaanaysa  gudaheeda lagu dilay  xubno kala ahaa taliye kuxigeenka Booliiska Puntland Jamaac Saxardiid, Agaasimihii Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso Aadan Gaas Haruuse, iyo Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada qalabta sida ee Puntland C/kariin Xasan Fardhiye.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here