Maamulka Somali-land ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wada-hadalka u bilowday iyaga iyo Maamulka khaatumo State ee shantii maalin aynu soo dhaafnay ka socday magaalada addis ababa ee Caasimada dalka Ethopia.
Wasiirka arrimaha Dibada Maamulka Somali-land Dr Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulkaas ayaa sheegay in wada-hadalka iyaga iyo Maamulka khaatumo State u dhaxeeyay ee ka dhacay Magaalada Adis Ababa ee dalka Ethopia uu kusoo dhamaaday si Nabad ah islamarkaana lagu heshiiyay Qodobo muhiim ahaa.
“Shirka ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Ethopia waxaa ka qeyb galay wafuud ka kala socotay Somali-land iy Khaatumo State, si nabad ah ayuu ku bilowday islamarkaana uu kusoo dhamaaday, qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ahaa nabadda, hormarka, iyo abaaraha in lagawada shaqeeyo,sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in gacan seddexaad haday soo faragaliso in lala dagaalamo”, ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibada Maamulka Somali-land Dr Sacad Cali Shire.
Sidoo kale Wasiirka arrimaha Dibada Maamulka Somali-land Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in qodobada sidoo kale lagu heshiiyay ay kamid ahaayeen in xayiraada saaran dhanka deegaanada Maamulka Khaatumo State in laga qaado ee ku adan in halkaas ay ka howlgaan hay’addo caalami oo qaramada Midoobay ka socda.
Ugu dambeyntii Wasiirka arrimaha Dibada Maamulka Somali-land Dr Sacad Cali Shire ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay kulan la sheegay in Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya ku dhexmaray Gudoomiyaha xisbiga wadaniga C/raxmaan Ciro iyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke kaasi oo la sheegay in loogu hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaliya.

