Xubno ka Tirsan Puntland oo Lagu Eedeeyay Dilalka iyo Xayiraada Ganacsigii Furnaa

0

Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland haatana ah xubin ka Tirsan aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya C/raxmaan Shiikh maxamuud (Faroole) oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay ganacsigii  furnaa ee u dhexeeyay Puntland iyo goboladda kale ee dalka  oo uu sheegay inuu xirmay, Dilalkii ka dhacay magaaladda Bosaaso iyo doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya.

Ugu horeyntii Senetor C/raxmaan Shiikh maxamuud (Faroole) ayaa ku eedeeyay xubno  kooban oo ka tirsan Maamulka Puntland ay ma’suul ka yihiin xayiraada Ganacsigii furnaa, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin dagaal oogayaal cusub, kuwaasi oo haatan ka shaqeynaya sidii Puntland loogu dhigi lahaa aag ka xiran Ganacsiga.

C/raxmaan Shiikh maxamuud (Faroole) ayaa sidoo kale ka hadlay dilalkii qorsheysnaa ee ka dhacay magaalada Boosaaso,wuxuuna sheegay in tallaabadan qeyb ka tahay dhibaatada amni ee ka jira dalka Soomaaliya guud ahaan.

“ Magaalada Bosaso waxaa lagu dilay labo nin masuuliyiin ah, oo mid ka mid ah aan annigu aqiinay oo nin muumin ahaa, dad ciilqabayaal ah ayaa dilay ragaas , oo Puntland ku bilaabatay”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Ugu dambeyntii Murashax Faroole wuxuu ku eedeeyay hoggaamiyayaasha madasha qaran ee muqdisho ku shiraya inay ku guuldaraysteen inay go’aan ka gaaraan geedi socodka doorashada Somalia, islamarkaana ay mudeeyaan xiliga ay dhacayso doorashadda gudoomiyaha iyo madaxweynaha Soomaaliya oo mudadii hore loogu ballamay hada la dhaafay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here