Safiirka Mareykanka ee Soomaliya oo wareysi gaar ah siinayay Laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayaa ka hadlay doorashooyinkii ka dhacay xarumaha Maamul Goboleedyada dalka ka jira, caqabadaha hortaagan doorashada iyo fikirka Mareykanka ee doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
Stephen Schwartz Safiirka Mareykanka ee Soomaliya ayaa sheegay in doorashooyinka labada aqal ee dalka ee ka dhacay xarumaha maamul Goboleedyada ay ku dhaceen falal qaldan, xadgudubyo iyo musuq maasuq baahsan, islamarkaana xildhibaano badan ay kusoo baxeyn si awood ah.
Waxaa uu sheegay Stephen Schwartz Safiirka Mareykanka ee Soomaliya in waxyaabaha dib u dhaca keenay ay tahay in Guddiyada maamulayay doorashooyinka iyo Madaxda siyaasada oo aan ku heshiin mas’uuliyada qaladaadka dhacay.
Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday liiskii Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ahaa 11-kii kursi ee ay laaleen, kaasoo uu tilmaamay in Mareykanka iyo dalalka kale aysan raalli ka aheyn, isagoo xusay in laga saaray liiska kuraastii ugu qatarsanaa ee sida qaldan ku soo baxay.

