Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda UK ee loo soo gaabiyo DFID ayaa ku dhawaaqday in lacag dhan 1.5 Million oo POUND loogu deeqay Soomaliya taasi oo loogu talagalay horumarinta mashruucyada kaabayaasha Soomaaliya.
Lacagtaan ayaa la xaqiijiyay in lasoo marsiin doono Bankiga Horumarinta qaarada Afrika, waxaana loogu talagalay xasiloonida Somaaliya, ayada oo diiradda lagu saari doono maal-gelin lagu sameeyo qeybaha tamarata, Biyaha, Nadaafadda iyo Gaadiidka Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda UK.
Dowladda UK waxa ay sheegtay in lacagtan ay sidoo kale dowladda Soomaaliya ka caawin doonto xoojinta awoodaha horumarinta iyo maamulka kaabayaasha, sida tababar xirfadeed oo la siiyo dhallinyarada.
Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee UK ee Soomaaliya Phil Evans ayaa yiri “Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya waa ahmiyad sare, taageeradan cusub waxay buuxin doontaa waxa ka gaabta deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya. Caawimaaddeena waxay qeyb ka tahay dadaalka dowladda UK ee xoojinta horumarka dhaqaale ee Soomaaliya”.

