Inta la xaqiijiyay Saddex qof, ayaa ku dhimatay, halka afar kalana ay ku dhaawacantay, qarax galabta ka dhacay Xaafadda Black Sea Degmada Hodan Gobolka Banaadir.
Qaraxaan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu waramayaa in lagu aasay Albaabka hore ee garaash ku yaala xaafadda Black Sea degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Garaash-ka uu qaraxa miino ka dhacay ayaa ah mid ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya gacanta ku hayaan, kadib markii dowladda Soomaliya ay xaqiijisay in qarixii ka dhacay 26-November aynu soo dhaafnay suuqa beerta degmada Waabari ee Gobolka Banaadir in laga soo abaabulay garaash-kaas.

