Dad Shacab ah oo Ku Dhintay Qarax Galabta Ka Dhacay Xaafadda Black Sea  Degmada Hodan

0

Inta la xaqiijiyay  Saddex qof, ayaa ku dhimatay, halka afar kalana ay ku dhaawacantay, qarax galabta ka dhacay Xaafadda Black Sea  Degmada Hodan Gobolka Banaadir.

Qaraxaan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu waramayaa in lagu aasay Albaabka hore ee garaash ku yaala xaafadda Black Sea degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Garaash-ka uu qaraxa miino ka dhacay ayaa ah mid ay Ciidamada Dowladda Federaalka  Soomaliya gacanta ku hayaan, kadib markii dowladda Soomaliya  ay xaqiijisay in qarixii ka dhacay 26-November  aynu soo dhaafnay suuqa beerta degmada Waabari ee Gobolka Banaadir  in laga soo abaabulay garaash-kaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here