
Magaalooyinka Kismaayo,Cadaado, jowhar, Baydhabo,waxaa dib ugu bilowday doorashada xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deeganada Maamulkaas.
Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle waxaa lagu doortay xubnaha kala Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Dederaalka Soomaliya C/laahi Colaad Rooble iyo Samiiro Xasan Cabdule.
Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug waxaa maanta lagu doortay C/weli Maxamed Qanyare Afrax, C/kariin Khaliif Cabdi (Dhalac) iyo Warsame Maxamed Xasan (Joodax).
Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaa lagu doortay labo xubnood oo kala ah Saalim Caliyow Ibrow iyo Cali Shiikh Maxamed.
Dhanka kale magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Jubba-land waxaa lagu doortay Cali Cismaan Xirsi(Cali Jowhar)
