Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Caqabadaha ka hortaagan sii socoshada doorashada xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee ku matalaya deeganada Maamulkaas.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Puntland Khaliif Aw-cali ayaa shir Jaraa’id oo uu Garoowe ku qabtay ayaa sheegay in sababo dhaqaalo oo soo wajahday guddiga ay la socon la’yihiin doorashooyinka xubnaha aqalka hoose weli la xalin, hakadna galisay doorashadda aqalka hoose ee Garoowe ka socotay.
Wuxuu sheegay haddii aan la xalin dhibaatadda caqabadaha dhinaca dhaqaalaha ee soo wajahaday Guddiga doorashooyinka Puntland, inay joojinayaan doorashada aqalka hoose ee Barlamaanka.
“Runtii wax la xaliyay ma jirto, laakiin waxaa sheegi karaa oo kaliya in wadahadal socdo sidii loo xalili lahaa, haddii la xaliyo labadaas maalmood ee dooshadu socoto khayr, haddii waxaan noo qorshaysan inaanu joojino” ayu yiri.
Shalay waxaa is casilay Gudoomiyihii Guddiga doorashooyinka Maamulka Axmed Maxamed Cali Axmed Kismaayo inkastoo uusan sheegin sababaha uu iska casilay.

