Madaxweynaha oo Ku Amaanay Ciidamada Dowladda Sugida Amniga Xilli Mushaar La’aan ay Yihiin

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku amaanay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya sida ay ugu diyaarka yihiin sugida amniga dalka oo idil xilli mushaar la’aan ay yihiin.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa qiray in Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo Taageeero ka helaya kuwa midowga Afrika ee AMISOM in ay meesha saareen awoodii ay Xarakada Al-shabaab ay lahaayeen Gobolada dalka Soomaliya inta hartana dhawaan la dhameystiri doono.

“Ilaahay mahaddiisa waaye, ammaaanka inta aan soo gaarney ilaahay ayaa mahad ku leh, saacaddaan caawa saqdii dhexe Lix saac inaan gobolka Banaadir joogno, oo diplomas-iyiinta caalamka qaarkood ay nala joogaaan oo kalsoonidaasi lagu joogo waa horumar iyo nimco ilaahay ina siiyey, annagane isku kalsoonaanno oo isku amaanno inta dambena aan dhameystirano, waxaa mahaddaasi leh dabcan dowladda federaalka oo caasimadda saldhig u tahay”, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Qeybaha kala duwan ee Ciidamada dowladda Soomaliya ayaa dhowr jeer oo hore cabasho ka muujiyay sida aysan u helin mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen inkastoo dowladda ay marar badan ku celcelisay in la bixin doono bil walba mushaaraadka Ciidamada.

Ciidamada Booliska Soomaliyeed  ayaa maalmo ka hor qaatay hal Bil Mushaarkooda, xilli ay ka maqneyd dhowr bilood, sidoo kale ciidanka hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA wax mushaar ah weli ma aysan qaadin, halka Millateriga 6-bilood Mushaar la’aan ay ahaayeen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here